Baarlamaanka 

Xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Goboladda Waqooyi oo taageeray Guddiyada doorashada

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Goboladda Waqooyi, ayaa maanta magaalada Mogadishu uga qeyb-galay kulan wada-tashi ah oo lagu taageerayay arrimaha doorashooyinka xildhibaannada Goboladda  Waqooyi ee Somalia.

Shirka wada-taashiga waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Ra’iisul wasaare ku-xigeen Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro, salaadiin, siyaasiyiin, musharraxiin, haween iyo dhallinyaro. 

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabid Xaashi, ayaa bishii hore aad u dhaliilay magacaabida Guddiyada maamulaya doorashada Xildhibaannada Goboladda Waqooyi, waxaana uu sheegay in Xukuumadda aysan kala tashan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Dhammaantoodna xubnaha shirka ka qeyb-galay maanta ayaa si wadajir ah u taageeray guddiyada doorashada ee hadda magacaaban.

Sidoo kale waxaa xubnihii shirka ka hadlay ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, Wasiiru dowlaha gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiirka Maaliyadda C/Raxmaan Ducaale Beyle oo qeyb ka ahaa shirka ayaa dhinacooda waxay sheegeen taageerada ay u hayaan Guddiga Xukuumadda magacawday.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira