Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ku guud-darreystay kulamadii Baladweyne oo dib ugu laabtay Jowhar

Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hirshabelle Mudane Dr Cabdixakin Luqmaan Xaaji Muxumed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan joogay magalada Baladweyn, ayaa maanta dib ugu laabtay caasimada Hirshabelle ee Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa Baladweyne kulamo hordhac u ahaa caleema-saarka madaxweyne Guudlaawe kula lahaa shaqsiyaadka kasoo horjeeda doorashadii ka dhacday Jowhar balse kulamada waxaa ay kusoo idlaadeen guud-daro.

Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa maalmaha soo socda kulamo ka yeelan doonna xaaladda maamulka iyo dhacdooyinka Baladweyne.

Baladweyne waxaa ka dhacay banaan-baxyo looga soo horjeedo nidaamka awood-qeysiga beelaha iyo doorashada Guudlaawe.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira