Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Gudiga Baarlamaanka ee Dastuurka oo sheegay arrimo siyaasadeed in uu u xanibanyahay Dastuurka

Guddoomiyaha Gudiga labada aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Senator Cabdi Qeybdiid, ayaa sheegey in dhammeystirka Dastuurka uu mar walba u xanibanyahay arrimo la xiriira siyaasadda.

Khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jiraya ayaa hortaaggan in Dastuurka uu gaaro shacabka Soomaaliyeed si ay ugu codeeyaan oo dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, ayuu sii raaciyay.

Mudane Cabdi ayaa sheegay in wada-xaajoodka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay tahay ah halka uu ka dhaqaaqi la’ayahay Dastuurka.

Warar kale oo la xiriira