Warar 

Madaxweyne Qoor-Qoor “Galmudug waxaa ka go’an taaba-gelinta iyo hir-gelinta heshiisyadii Dhuusamareeb (1,2.3)”

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo maanta qeyb ka ahaa madaxdii ka qeyb-gashay shirkii 5-aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta, doorashada iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug ay qaadanayso door shariif ah, si loo yareeyo culeysaadka iyo xumadaha ay leedahay doorashadu.

“Galmudug waxa ka go’an taaba-gelinta iyo hir-gelinta heshiisyadii Dhuusamareeb (1,2.3) iyo shirkii dhammeystirka heshiiska ee magaalada Muqdisho. Waxaan aaminsanahay in natiijada siyaasad xasiloon ay ka dhalan karto, bulsho midaaysan, walaalo ah, gacmaha is heysto oo kuna dhaqma sharci iyo dastuur dameystiran ayuu yir.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira