Baarlamaanka 

Masuuliyiinta shan wasaarradood oo hor-yimid Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shir-guddoominayay fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa la-xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa shalay hor-yimi masuuliyiinta Wasaaraddaha kala ah;

  1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL
  2. Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta DPL
  3. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska DPL
  4. Wasaaradda Amniga & DDR-ta DPL
  5. Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, dhaqanka iyo Dalxiiska DPL

Wasaaraddaas oo isku ah Wasaaraddaha Amniga Iyo Arrimaha Gudaha ayaa ugu horeyn waxaa Warbixintooda si guud u soo jeedisay Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland, Wasiiradda ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaraddaha, qorshayaasha u degsan iyo waxyaabaha u qaab-soomay.

Intaa ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirada Wasaaradaha sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira