Warar 

Puntland oo soo jeedisay in doorashada kaddib laga wada xaajoodo dib-u-eegista Dastuurka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeyb-galeen Dowladda Federaalka ah, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo Wakiillada beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Mudane Saciid Dani, oo khudbadiisa kusoo hadal qaaday dhammeystirka Dastuurka ayaa soo jeediyay in dib-u-eegista Dastuurka laga wada xaajoodo doorashada kaddib, si loogu helo wakhti ku filan oo looga baaraandago.

Guddoomiyaha Gudiga labada aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Senator Cabdi Qeybdiid, ayaa sheegey in dhammeystirka Dastuurka uu mar walba u xanibanyahay arrimo la xiriira siyaasadda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira