Warar 

Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska oo dowladda ku bogaadiyey guulaha hir-gelinta doorashada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda dalkaas ee Somaaliya Mudane Ben Fender Obe.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira