Baarlamaanka 

Xildhibaan Canab oo sheegtay in musuq-maasuqa uu yahay meesha ummadda Soomaaliyeed ay ku weysay sharaf, karaamo iyo cisi

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in musuq-maasuqa uu yahay meesha ummadda Soomaaliyeed ay ku weysay sharaf, karaamo iyo cisi.

Iyadoo ka hadleysay xarunta Golaha Shacabka ayaa ay sheegtay in laga xishoodo, lagana baqo waxa loo bareerayo ee taabanaya dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha.

Marwo Canab, ayaa soo jeedisay in miisaaniyada lagu bixiyo wasaaradda amniga mid lamid ah in lagu bixyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyo cadaaladda.

Maanta magaalada Mogadishu waxaa lagu qabtay xuska 17-aad ee Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah waddamada safarka hore kaga jira liiska dalalka ay ragaadiyeen musuq-maasuqa iyo is la xisaabtan la’aanta, balse dalka Soomaaliya ayaa hadda waxaa uu u muuqdaa mid kasoo roonaanaya sidii hore.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira