Baarlamaanka 

Xildhibaannadii xasaannada laga qaaday ee Puntland oo sheegay in aysan dambi-gelin, aysana tagi doonin maxkamadda

Xildhibaan Saleebaan Faarax Ciise oo kamid ah siddeed xildhibaan oo Baarlamaanka Puntland uu xasaannada kala noqday todobaadkii hore, ayaa sheegay in aysan dambi gelin, isla markaanna aysan maxkamad tagi doonin.

Xildhibaannada waxaa lagu eedeeyay in ay is hor-taageen kulan xukuumadda lagula xisaabtami lahaa, isla markaana ay jabiyeen qodobo kamid ah Dastuurka maamulka.

“Mooshinkan waxaa uu ahaa mid abaabulan oo xukuumadda ay gadaal ka riixeysay, waxaana uu ahaa mooshin siyaasadeed. Xukuumadda waxaa ay cabsi ka qabtay doorashada aqalka sare ee soo socota” ayuu yiri Saleebaan Faarax Ciise.

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa shalay shaaca ka qaaday in maalinta khamiista ah ay u mudeysay dacwada siddeeda mudane.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira