Baarlamaanka 

Maxaa looga hadlay kulamadii xildhibaannada Galmudug ay kusoo yesheen Mogadishu iyo Garowe?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ra’iisul wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale dhowaan magaalada Garowe kula soo kulmay madaxda maamulkaasi.

Haddaba maxaa looga hadlay kulankii Garowe iyo kan maanta ee Mogadishu? 

Kulanka waxaa looga hadlay xal-u-raadinta maxaabiista reer Galmudug ee ku xiran xabsiga dhexe ee Garowe. 

Fududeynta iyo culeys-saarka mashaariicda Galmudug ee ay ballanqaaday beesha Caalamaka. 

Dagaalka ka dhanka ah al Shabaab. Gacan-siinta maamulka Galmudug ee sugidda amniga doorashada Federaalka ee Galmudug. 

Warar kale oo la xiriira