Baarlamaanka 

Wasaarradaha isku ah Guddiga dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo horyimid Baarlamanka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shalay shir-guddoominayay fadhigii 23-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajandaha Fadhiga ayaa ahaa la-xisaabtanka Xukumadda, waxaana Golaha hor-yimi Wasiiradda Wasaaradaha kala ah;

  1. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xassan Shire Cabdi (Abgaal)
  3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Maalgashiga Cabdullahi Cabdi Xirsi
  4. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiqani Geelle Maxamed
  5. Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdiwali Seed Cilmi

Wasaarradaha shanta ah ee kor ku xusan ayaa isku ah Guddiga dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa ugu horreyn warbixintooda si guud u soo jeediyey, isaga oo ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaraddaha, qorshayaasha u degsan, caqabadaha haysta iyo waxyaabaha u qaab-soomay.

Intaa ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirada Wasaaradaha sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.

Maalintii 3-aad ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland waddaan la xisaabaadka Golaha Xukumadda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira