Baarlamaanka 

Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad marsiiyay miisaaniyadda sannadka 2021

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal, ayaa maanta shir-guddoominayay kulankii 7-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay miisaaniyadda sannadka 2021, oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyada ee xukuumadda. 

Miisaaniyadda ayaa ku saleysay saddex qeyb-bood oo odoros ah, kuwaas oo kala ah kabka miisaaniyada, mashaariicda iyo daqliga dolwada ee gudaha.

Wasiirka maaliyada Candiraxmaan Beyle, oo maanta ku sugnaa kulanka ayaa sheegay in dal waxa uu ku tashan karo keliya ay tahay daqliga gudaha, waxaa uu xusay in afartii sannadood ee lasoo dhaafay in daqliga gudaha uu kordhayay.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira