Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xildhibaannada u sheegay xiliga uu ku egyahay muddo-xileedka Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta mar kale ku celiyay in Baarlamaanka hadda jira uu shaqeyn doono inta laga soo dooranayo Baarlamaankii beddeli lahaa, si aysan u dhicin firaaq Dastuuri.

Mudan Maxamed Mursal, ayaa hadalkaasi ka sheegay kulankii Golaha ee maanta, kaas oo ajandayaashiisu ay kala ahaayeen akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2021 iyo akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha dhiiragelinta maalgashiga.

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kulan wada-jir ah bishii September ku ansixiyay, si aysan u dhicin firaaq ku yimaado sharciyadda jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka; Baarlamaanka 10-aad oo awoodihiisa Dastuuriga ah u dhammaystirantahay ayaa xilkiisa sii haynaya ilaa iyo maalinta la dhaariyo xildhibaanada loo soo doortay Baarlamaanka cusub ee 11-aad ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 60aad ee Dastuurka Faderaalka iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyey Sharciga Lr. 20 ee 27.06.2016.

Mogadishu, Somalia
Hassan Istiila

Warar kale oo la xiriira