Warar 

Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisal Wasaaraha oo maanta yeeshay kulankii ugu horreeyay oo rasmi

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulankii ugu horreeyay ee rasmi ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Shirka oo ay ka qeyb-galeen Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirka Arimaha dibadda DFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq, ayaa looga hadlaya marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashadda.

Ra’iisul wasaaraha oo booqanaya dhammaan maamul-gobolleedyada ayaa kala hadlaya arrimaha doorashooyinka, si gaar ah Puntland iyo Jubbaland oo dhaliilsan habka dowladda dhexe ay wax ku waddo. Arrimaha ugu muhiimsan ee shirarkaasi looga hadlayo waa Gobolka Gedo, guddiyada doorashada iyo arrinta xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Hassan Istiila
gadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira