Baarlamaanka 

Guddiyada Dastuurka oo maanta u keenay Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka xeerka dib loogu dhigayo Dastuurka ilaa Baarlamaanka 11-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, ayaa maanta shir-guddoominayay kulan Guddiga Joogtada Baarlamanka Soomaliya  ay ku yesheen xaruunta Baarlamanka ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa ajandihiisa waxaa uu ahaa qabyo qoraalka dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka maanta waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dastuurka. 

Guddiyada Dastuurka ayaa keenay maanta xeerka dib loogu dhigayo Dastuurka ilaa Baarlamaanka 11-aad, xeerkaasi oo la filayo in la horgeeyo kulan weynaha Golaha Shacabka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta qoraal uu diray Madaxweynaha iyo Guddoonka labada Aqalka ayaa la socodsiiyay in muddada dhaqan galka dastuurka KMG uu la dhamaanayo muddo xileedka Baarlamaanka 10aad.

Warar kale oo la xiriira