Baarlamaanka 

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf oo sheegtay in safaarraha Soomaaliya musharaadkooda ay helaan 15-ka bisha

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo shalay su’aalo la xiiriira miisaaniyadda sannadka 2021 weydiineysay wasiirka maaliyada xukuumadda federaalka, ayaa sheegtay in safaarradaha Soomaaliya ay qabaan dhibaatooyin aad u badan, marka la fiiriyo lacagaha xafiisyada, kirada iyo mushaarka.

Marwo Fowsiya, ayaa sheegtay in safaarradaha ay helaan musharaadkooda 15-ka bisha, waxaana ay sii raacisay dadka iyaga oo ah diplomaasiyiin in haddana ay heysato dhibaatooyin badan, madaama musharaadka ay kasoo daahaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore iyo sannadkan 7 milyan oo dollar u qoondeysay safaarradaha Soomaaliya ee dibeddaha.

Golaha Shacabka oo Sabtidii shalay yeeshay kulankii 7-aad ee Kalfadhiga 8-aad ayaa akhrinta koowaad marsiiyay miisaaniyadda sannadka 2021, oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyada ee xukuumadda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira