Baarlamaanka 

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Koonfur Galbeed oo maanta dhaariyay wasiirro dhowaan uu magacaabay madaxweynaha

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Nur Macalin, ayaa maanta dhaariyey xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirka KGS, kuwaas oo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiirada maanta la dhaariyey ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha KGS Mudane Ibrahim Adan Cali Najah iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Koonfur Galbeed Cumar Axmed Adan.

Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS.

Warar kale oo la xiriira