Baarlamaanka 

Madaxweyne Farmaajo oo casho-sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay casho-sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad-Gobolleedka Galmudug.

Munaasabada casho sharafta oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, oo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Mogadishu uga socday siminaar ayaa dhinaca kale waxaa ay kulamo wada-jir ah la yeelanayeen musharraxiinta, kuwaas oo kala hadlayay arrimaha doorashada.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee federaalka ayaa waxaa soo dooran doona Baarlamannada maamul-gobolleedyada, taasina waa sababta musharraxiinta ay casho sharafyo ugu casuumanayaan xildhibaannada Baarlamaan -gobolledyada dalka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

 

Warar kale oo la xiriira