Baarlamaanka 

Guddoonka Golaha Shacabka oo sheegay in ay garab-taaganyihiin in haweenka fursad loo siiyo ka qeyb-galka siyaasadda

Magaalada Mogadishu maanta waxaa lagu qabtay shirweynaha haweenka Soomaaliyeed, kaas oo lagu soo bandhigay caqabadaha haweenka ku hor-gudban dhinaca doorashooyinka soo aadan iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro qoonddada dumarka ee kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, haweenka xildhibaannada iyo haween-weynaha Soomaaliyeed ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabada oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan, ayaa Wasaaradda haweenka ku bogaadiyay mas’uuliyadda ay iska saartay ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu xusay in Guddoonka Golaha Shacabku uu garab taagan yihiin in haweenka fursad loo siiyo ka qeyb-galka siyaasadda.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu adkeeyay qoondada haweenka ee ah 30 boqolkiiba.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira