Baarlamaanka 

Xildhibaan Idiris Dhaqtar “Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan in dalka la gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah”

Xildhibaan Idirs Dhaqtar oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul badan u muujiyay maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo uu ku eedeeyay in ay diidanyihiin in dalka la gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah.

Labada maamul waa caqabad taagan, waxaa ay hor-joogsadeen sharcigii doorashada ee Baarlamaanka federaalka uu soo ansixiyay isla markaana Madaxweynaha uu saxiixay, ayuu yiri.

Mudane Dhaqtar, ayaa xusay dadaalada uu waddo Ra’iisul wasaaraha ee ku aadan xalka doorashada in ay caqabad ku noqon doonaan labada maamul.

Isaga oo xalka soo jeedinaya, waxaa uu yiri, si looga gudbo caqabadaha waa in uu shaqeeyo Baarlamaanka, iyagana ma diidi karaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa todobaadkan safaro ku kala bixinaya maamul-gobolleedyada, kuwaas oo uu kala hadlayo xaaladda doorashooyinka madaama Puntland iyo Jubbaland wali aysan soo magacaabin guddiyada doorashooyinka.

Warar kale oo la xiriira