Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo xildhibaanno ka qeyb-galay munaasabad casho-sharaf ah oo lagu soo dhoweynayay Ra’iisul wasaaraha

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug, ayaa ka qeyb-galay xaflad soo dhaweyn ah oo xalay magaalada Dhuusamareeb loogu sameeyay  Ra’iisul wasaaraha DFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa magaalada u jooga arrimo la xiriira doorashooyinka, waxaana dhowaan uu ka yimid magaalada Garowe halkaasi oo uu kula soo shiray madaxweynaha Puntland, waxaana la filayaa in maamulada kalena uu booqdo, si loo dhammeeyo tabashooyinka doorashada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadashada doorashada iyo doorkeeda, waxaana Galmudug ay kamid tahay saddexda maamul ee ilaa iyo hadda soo magacaabay guddiga doorashooyinka.

Warar kale oo la xiriira