Warar 

Golaha wasiirrada Jubbaland oo maanta ansixiyay miisaaniyadda sannadka 2020-2021

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada, kaas oo looga hadlay miisaaniyadda 2021.

Golaha wasiirrada ayaa dood kaddib ansixiyay miisaaniyadda sannadka 2020-2021, taas oo ah 25,032,449,70 milyan.

Golaha ayaa dhinaca kale ansixiyay maanta xeerka cusub ee hormarinta Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Warar kale oo la xiriira