Baarlamaanka 

Guddoomiye Mursal iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle oo ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta golayaasha xeer-dejinta

Guddoomiyaha Baarlamanka dowlad-goboleedka Hirshabelle mudane Dr Abdihakim Lukman iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad mudane Siraaji Sheikh Isaxaaq ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh.

Labada Guddoomiye ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta golayaasha xeer-dejinta ee labada Baarlamaan.

Baarlamaanka Hirshabelle oo bil ka hor lasoo magacaabay ayaa magaalada Mogadishu u imaan doona kulamo aqoon kororsi ah oo ku saabsan shaqadda Baarlamaanka.

Warar kale oo la xiriira