Warar 

Kulan is-barasho ah oo loo sameeyay Guddiyada maamulaya Doorashooyinka dowlad-gobolleedyada iyo taliyeyaasha booliiska

Guddiga hir-gelinta Doorashooyinka heer federaal ayaa kulan is-barasho ah u sameeyay Guddiyada maamulaya Doorashooyinka dowlad-gobolleedyada iyo taliyeyaasha booliiska ee Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir iyadoo uu kulanka goob-joog ka ahaa taliyaha booliiska Soomaaliyeed.

Taliyeyaasha ka socday dowlad-gobolleedyada ayaa magaalada Muqdisho toddobaadkan uga qeyb galay shir saddex maalin socday oo ku saabsanaa amniga doorashooyinka.

Guddiga doorashada dadban oo murankiisa wali uu taaganyahay, ayaa wada kulan howleedyo ku aadan waajibaadkooda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa maalin ka hor sheegay in dowladda ay dib-u-eegis ku sameyn doonto guddiga madaama Puntland, Jubbaland iyo musharraxiinta ay ka muujiyeen kalsooni darro.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira