Baarlamaanka 

Senatarada haweenka ee Aqalka Sare oo xaflad sagootin ah u sameeyay madaxda ururrada haweenka ee dowlad-gobolleedyada

Senatarada haweenka ee Aqalka Sare ayaa maanta magaalada Mogadishu kulan sagootin ah ugu sameeyay xubnaha wasiirada haweenka iyo ururrada haweenka ee dowlad-gobolleedyada, kuwaas oo dhowaan ka qeyb-galay shir-weynihii haweenka Soomaaliyeed ee meel-marinta qoondada haweenka ee dhinaca doorashooyinka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xaniifa Maxamed Ibraahin Xaabsade, wasiir ku-xigeenka wasaarada haweenka Xiis Xasan, xubnaha haweenka labada aqal ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ka qeyb-galay kulanka.

Faadumo Cabdi Faandhe, guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Baarlamaanka Galmudug, ayaa aad u bogaadisay kulanka loo sameeyay, waxaana wasaarrada haweenka ay ku ammaantay soo agaasimida shir-weynihii haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Hawenka iyo Horumarinta Xuquqda Sadanaha XFS Xaniifa Maxamed Ibraahin Xabsade, ayaa sheegtay in ay rajo badan ka qabaan sannadka dambe in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ka heli doonaan siyaasadda dalka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira