Baarlamaanka 

Baarlamaanka Hirshabelle oo madaxweynaha maamulka u kordhiyay mudada dhisida Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman, ayaa maanta shir-guddoominayay kalfadhiga 1aad kulankiisa 9aad, kaas oo lagu qabtay caasimada dowlad-goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

Fadhigii maanta ayaa ajandayaashiidu waxaa ay kala ahayeen ansixinta codsiga madaxweynaha ee mudo-kordhinta dhismaha xukuumada iyo dejinta qorshe howleedka golaha iyo guddiyada.

Xildhibaannada oo dood dheer ka yeeshay ajendayaasha ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ku ansixiyey mudo-kordhinta dhismaha xukuumada iyo qorshe howleedka golaha iyo guddiyada.

Madaxweyne Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa muddo 45 cisho oo hor leh loogu daray si uu u soo dhiso Golaha Wasiirada dowlad-goboleedka Hirshabelle.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira