Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland imisa xeer ayuu ansixiyay sannadkan 2020?

Baarlamaanka Puntland ayaa sannadkan 2020 ansixiyay xeerarka kala ah Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Dowladda PL 2020 iyo Xeerka Wax Ka Bedelka Maamulka Gobollada Degmooyinka iyo Dhismaha.

Hadda oo lagu jira bisha ugu dambeysa ee sannadka 2020, ayaa waxaa la filayaa in Baarlamaanka uusan ansixin karin xeer kale balse la dar-dar gelin doono horraanta sannadkan 2021.

Baarlamaanka ayaa sannadkii 2019 ansixiyay sagaal xeer oo kala duwan, kuwaas oo maamulka u ahaa muhiim.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira