Warar 

Guddiga doorashooyinka heer federal iyo wakiilka Midowga Afrika oo ka wadda-hadlay sugidda amniga doorashooyinka

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa xalay shaaciyay in ay kulan la qateen wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Mogadishu ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadda-shaqeynta guddiga iyo hawlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan sugidda amniga doorashooyinka.

Guddiga oo muran uu ka taaganyahay ayaa shaqadiisa si caadi ah u wata, balse maamuladda Puntland iyo Jubbaland iyo musharraxiinta mucaaradka ayaa u arka guddi aan dhex-dhexaad noqon karin, madaama ay jiraan dhinaca dowladda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira