Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi xildhibaanno oo maanta dib ugu soo laabtay Mogadishu

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi xildhibaanno ah oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Mogadishu.

Mudane Mursal, ayaa magaalada Baydhabo xalay uga qeyb-galay munaasabada sannad-guuradii 2-aad ee madaxweynaha Koonfur-Galbeed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, ayaa maanta kulan is xog-wareysi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira