Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay munaasabada sannad-guuradii 2-aad ee madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, xildhibaanno heer federal iyo marti kale ayaa xalay magaalada Baydhabo uga qeyb-galay munaasabada sannad-guuradii 2-aad ee madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Mudane Mursal, oo khudbad kooban jeediyay ayaa maamulka ku ammaanay hormarka ay ka sameyeen dhinacyada kala duwan ee hormarinta dowladnimada, dhallinyarada kamidka ah maamulka, dhaqaallaha iyo miisaaniyada.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay dhinaca doorashooyinka, ayaa ku dheeraaday sharcigii doorashooyinka ee Golaha Shacabka uu meel-mariyay iyo shirga doorashooyinka dadban ee hadda shaqeeya.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira