Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka Koonfur-Galbeed

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta kulan is xog-wareysi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Murasal, oo odayaasha ka dhageysanayay warbixino kala duwan ayaa kala hadlay horumarinta iyo ka shaqeynta nabada deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaaha ayaa tilmaamay doorka odayaasha ee isku xirka bulshada, waxaana uu kula dar-daarmay inay u midoobaan sidii ay ugula shaqeyn lahaayeen dowladda Koonfur-galbeed daadajinta nidaamka dowladnimadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, xildhibaanno heer federal iyo marti kale ayaa xalay magaalada Baydhabo uga qeyb-galay munaasabada sannad-guuradii 2-aad ee madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira