Warar 

Shirka agaasimayaasha wasaarradaha dastuurka DF iyo dowlad-gobolleedyada oo lagu soo bandhigi doonaa nuqulka ugu dambeeya ee dib-u-eegista dastuurka

Shirka agaasimayaasha guud ee wasarraadaha arrimaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad-gobolleed oo socon doona muddo saddex maalin ah ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ujeedada shirka ayaa ah sidii loo dhaqaajin lahaa howlihii ka qabsoomay arrimaha farsmada ee dib-u-eegista dastuurka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa kaydinta howlaha mugga iyo baaxadda leh ee laga qabtay dib-u-eegista dastuurka maadaama agaasimayaasha guud ay yhiin laf dhabarka hay’adaha.

Shirka inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa nuqulka ugu dambeeya ee dib-u-eegista dastuurka, halka ay marayaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed, warbixinta ka sii ambaqaadka shaqada laga soo qabtay dastuurka muddo xileedka baarlamaanka 10’aad iyo u diyaargarowga iyo falanqaynta shirka lagu soo bandhigi doono casharada laga bartay intii ay socotay dib-u-eegista dastuurka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha dastuurka XFS mudane Maxamed Abuukar Zubayr, waxaana ka qayb galaya agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo lataliyaasha, agaasime waaxeedyada iyo howl wadeenada wasaaraddaha Dastuurka heer federal iyo heer dowlad-gobolleed.

Agaasime Zubayr oo shirka furay ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanyahay wada shaqayn iyo is xogwaraysi dheeraad ah oo ka dhexeeya agaasimayaasha guud ee wasaarradaha Dastuurka si loo ambaqaado howlaha dib-u-eegista dastuurka maadaama agaasimayaasha guud ay yihiin lafdhabarka hay’adaha dastuurka islamarkaana ay yartahay in ay isbedelaan marka loo eego wasiirada.

“Waa muhiim in aan dib loogu laaban howshii mugga lahayd ee laga soo qabtay dib-u-eegista dastuurka, juhdigii iyo waqtigii galay si uusan u noqon hal bacaad lagu lisay, waa in aan ka shaqynaa sidoo loo sii ambaqaadi lahaa arrimaha laga qabtay dib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri agaasime Zubayr.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira