Baarlamaanka 

Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka Sare oo maanta warbixin ka dhageystay Guddiyada dastuurka

Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka Sare oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare, ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga dib-u-eegista iyo la socodka hirgelinta dastuurka(OC) iyo Guddiga madaxa-bannan ee dib-u-eegista dastuurka (ICRIC).

Guddiyada dastuurka oo laga dhageytay warbixinta dib-u-eegista dastuurka, ayaa ka codsaday Guddiga joogtada ee Aqalka Sare ee BFS in si wadajir ah loo ansixiyo, habraaca ansixinta dastuurka iyo xeerka dib-u-dhigista dastuurka ee Baarlamaanka 11aad.

Ugu dambeyntii, Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa oggolaaday soo-jeedinta Guddiyada dastuurka si labada Gole ee BFS ay go’aan uga gaaraan soo-jeedinta Guddiyada dastuurka.

Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa dhowaan kulan ka yeelan doona go’aanka ugu dambeeya ee dastuurka ee ah in Baarlamaanka 11-aad ay dhammeyatiraan inta ka harsan dastuurka.

Warar kale oo la xiriira