Baarlamaanka 

Guddiga miisaaniyadda ee Baarlamaanka oo Mogadishu ku qabtay kula looga hadlay odoroska miisaaniyadda 2021

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka JFS ayaa maanta kulan la yeeshay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeisa ayaa waxaa looga hadlay odoroska miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2021 iyo arrimo kale.

Agaasimaha miisaaniyadda Iraad Cabdi Axmed iyo Maxamuud Macallin Yaxye ayaa ka qeyb galay kulanka. 

Ku-simaha guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda JFS ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan, ayaa maanta si wadda jir ah u shir-guddoominayay kulanka.

Golaha Shacabka ayaa todobaadkii hore akhrinta koowaad marsiiyay miisaaniyada 2021, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda mar kale Golaha uu ka doodo miisaaniyada.

Warar kale oo la xiriira