Warar 

Midowga Africa oo soo dhoweeyay wadda-hadalada dowladda iyo maamul-gobolleedyada

Shir-madaxeedkii dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedka IGAD oo gelinkii dambe ee shalay ka furmay magaalada Jabuuti, ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xiriirka dalalka Somalia iyo Kenya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii furitaanka shirka ka hadashay ayaa sheegay in Midowga Africa ay soo dhoweynayaan wadda-hadalada ku saabsan doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada.

Mahamat, ayaa sheegay in loo baahanyahay doorasho deggan oo ku dhisan nidaam.

Maalin ka hor guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shaaciyay in ay kulan la qateen wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Mogadishu ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadda-shaqeynta guddiga iyo hawlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan sugidda amniga doorashooyinka.

Hassan Istiila
Mogadisho, Somalia

Warar kale oo la xiriira