Baarlamaanka 

Guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka oo kulan looga hadlayay arrimaha xajka la qaatay howl-wadeennada wasaarada Diinta

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda, qorshayntaiyo iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka JFS ayaa shalay kulan la qaatay wasiir K/X. wasaaradda Diinta iyo awqaafta Mudane Maxamuud Macallin Yaxye iyo howl-wadeennada wasaaradda.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimo quseeya xajka, madaama sannadihii lasoo dhaafay muwaadiniinta ay cabasho ka muujinayeen lacagaha safarka oo shirkadaha diyaaradaha ay aad u kordhiyeen.

Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda JFS, ahna guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan, ayaa shir-guddoominayay kulanka oo dhinaca kale ay horyimadeen wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo howl-wadeennada Wasaaradda, si wax looga weydiiyo odorooska miisaaniyadda 2021-ka.

Warar kale oo la xiriira