Warar 

Midowga Musharixiinta oo ururada bulshada rayidka ka codsaday in ay dhex-dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha doorashooyika

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa maanta la kulmay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax.

Kulanka waxaa looga hadlay caqabadaha weli ku hor gudban doorashada 2020 – 2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta mudane Sharif Sheikh Ahmed, ayaa sheegay in hoggaanka ururada bulshada rayidka ay ka codsadeen in ay dhex-dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arimaha doorashooyika ee taagan, ka Midowga Musharixiinta ahaanna ay soo dhoweynayaan doorka dhex dhexaadinta ee ay qaateen ururada bulshada rayidka.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax, ayaa dhankiisa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex-dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arimaha lagu muransan yahay ee guddiga doorashooyinka, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka, si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020 – 2021.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira