Baarlamaanka 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay gurigiisa 

Xildhibaan Muxumad Colaad, oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad-gobolleedka Hirshabelle, ayaa gelinkii dambe ee shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Jowhar.

Xildhibaanka oo la sheegay inuu dhaawac culus ka soo gaaray, ayaa hadda jiifa isbitaalka magaalada Jowhar.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qarax balse al Shabaab ayaa inta badan sheegtay weerarada lagu qaaday mas’uuliyiinta dowladda iyo maamul-gobolleedyada.

Labo xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka ayaa sannadkan lagu dilay magaalada Jowhar.

Warar kale oo la xiriira