Baarlamaanka 

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo shaaciyay jadwalka doorashada ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Mogadishu, ayaa sheegay in diiwaan-gelinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare ay bilaaban doonto 26-ka bishan Diseembar 2020.

Doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare, ayaa lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31-ka Diseembar 2020 ilaa 6-da Jannaayo 2021, waxaana madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada ay usoo jeediyeen in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29-ka Diseembar 2020.

Guddiyada doorashooyinka heer-federaal iyo heer-dowlad-goboleed, ayaa 7-da bisha Janaayo guda-galaya diiwaan-gelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee ka qeyb-galaya xulista ergooyinka doorashada, kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada, sida guddiga uu maanta sheegay.

Guddiga ayaa sheegay in go’aannadan ay gareen iyaga oo tix gelinaya heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ka koobnaa madaxda dowlad-gobolleedyada iyo dowladda Federaalka. 

Golaha musharraxiinta iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xusid mudan in ay kasoo horjeedaan shaqada uu waddo guddiga, waxaana ay ku eedeynayaa in jiro dhinaca dowladda.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira