Baarlamaanka 

Wasiirka maaliyada oo Baarlamaanka u sheegay “Anniga ma diidani dhismaha hay’adda iibka iyo qandaraasyada Qaranka”

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Beene Beene, oo ka hadlayay fadhigii Golaha Shacabka ee looga hadlayay miisaaniyadda sannadka 2012, ayaa wasiirka maaliyada weydiiyay sababka uu u dhisi la’yahay hay’adda iibka iyo qandaraasyada Qaranka.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka jawaabayay su’aasha ayaa caddeeyay in dhismaha guddi kasta uu u baahanyahay wakhti badan, gaar ahaan marka kulamo lala soo yeelanayo maamul-gobolledyada dalka.

“Arrinta dhismaha hay’adda wey dhowday, annigana kama dheganaan karo maxaa yeelay waxaa jira sabab aan ugu dheganaan karin, keliya waxaan marineynaa nidaamka, waana soo dhiseynaa wakhtigeeda marka ay gaarto”.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira