Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay ku dhaqaaqida tallaabo halis gelineysa jiritaanka hey’addaha dowlada

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo maanta soo saaray war-saxaafadeed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku dhaqaaqay tallaabo halis gelineysa jiritaanka dastuuriga ah ee Hey’addaha dowlada.

Mudane Cabdi Xaashi, ayaa qoraalkiisa ku xusay saddex qodob oo uu sheegay in madaxweynaha uu si-ula kac ah ugu sameeyay xad-gudub.

“Go’aan kasta oo ku saabsan maareynta iyo ansixinta dib-u-eegista dastuurka waxaa si gaar ah ugu xil saaran labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, sida ku cad qodobka 63aad (A) iyo qodobka 71aad (A) ee dastuurka KMG ah iyo habraaca dastuuriga ee ku qeexan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xeer madaxweyne ku saxiixay dib-u-dhigaya ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka kumeel-gaarka ah, maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka akhriso

 

 

 

Warar kale oo la xiriira