Warar 

Puntland iyo Galmudug oo ka wadda-shaqeynaya isku soo dhoweynta dhinacyada ku kala aragti duwan hanaanka doorashada

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay maagalada Galkacyo, ayaa ka wadda-hadlay xiriirka labada maamul, xaaladdaha siyaasadeed, amni iyo hormarka dalka Soomaaliya.

Mid kamid ah qodobada ay ku heshiyeen madaxda ayaa ah in labada maamul ay ka wadda-shaqeyaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragti duwan hanaanka qabsoomidda doorashada dalka.

War-saxaafadeedkooda waxa kale oo ay ku shegeen in ay diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay ee lagu gaari karo hirgelinta doorashada 2020-2021.

Halkan ka akhriso:

Warar kale oo la xiriira