Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta gaaray magaalada Garowe

Madaxweynaha DG Puntland ayaa maanta Garowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Md Cabdi Xaashi iyo wafdiga uu hoggaaminayay oo gaaray Garowe, si ay uga qeyb-galaan madasha afkaar-wadaag ee uu soo qaban-qaabiyay Machadka The Heritage Institute for Policy Studies.

Madasha waxaa ka qeyb-galay qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalidda, taas oo dhinaca kale fursad u ah ka wadda-hadlida arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taaganyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mursal, ayaa maanta kamid ahaa madax lagu soo dhoweeyay magaalada Garowe. 

Labada Guddoomiye oo muddooyinkii ugu dambeeyay aan laheyn xiriir wadda-shaqeyn, ayaa isku arki doona madasha magaalada Garowe.

 

Warar kale oo la xiriira