Baarlamaanka 

“Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday shirkii wada-jirka ahaa ee Baarlamaanka ay kaga hadli lahaayeen Dastuurka”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna musharrax madaxweyne, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diiday fadhi wada-jir ahaa oo labada aqal ee Baarlamaanka ay ku ballan-sanaayeen Arbacada todobaadkii hore, kaas oo looga hadli lahaa arrimaha Dastuurka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 23-kii bishan December xeer madaxweyne ku saxiixay dib-u-dhigaya ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka kumeel-gaarka ah, maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharrax Xasan Sheekh, ayaa sheegay in digreetada madaxweyne Farmaajo, aysan cuskaneyn wax qaanuun iyo Dastuur awood madaxweyne ah, waxaa uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in sidii caadada u aheyn uu haddana dhinac maray Dastuurka.

Shaqooyinka ka bilaaban kara xafiiska madaxweynaha wey xadidanyihiin, magacaabista Ra’iisul wasaaraha ayaa kamid ah shaqooyinka ka bilaabma xafiiska madaxweynaha, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Raisal Wasaaraha XFS ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay 23-kii bishan Diseembar Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira