Warar 

Midowga Musharixiinta oo cambaareeyay caburin ay shegeen in ay isa soo tareyso oo ay dowladda ku heyso shacabka

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020 – 2021 ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo caburin ay shegeen in ay isa soo tareyso oo ay dowladda federaalka ku heyso shacabka ku dhaqan Muqdisho ee banaanbaxa ku muujinaya aragtidooda ku aadan arimaha doorashooyinka.

Mudane Sharif Sheikh Ahmed guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta, oo ka hadlay kulankoodii maanta ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin, si adagna u cambaareynayaan falkii shalay Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida ay kula kaceen gabdho Soomaaliyeed oo aragtidooda si nabad ah u dhiibanayay.

Guddoomiyaha Golaha ayaa Ciidamada dowladda ugu baaqay in ay sharciga ilaaliyaan oo aan si qaldan loogu adeegsan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ay mus’uuliyadda amnigooda qaadeen.

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira