Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kulan wada-tashi ah la qatay ururrada bulshada rayidka ah iyo culimada Soomaaliyeed

Kulan wada-tashi ah oo maanta dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ururrada bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka warbixin faah-faahsan ka siiyey dadaallada xukuumadda ee ku addan qabsoomidda doorasho xasilloon, isagoona sheegay in booqashooyinkii uu ku tagey Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ujeedkoodu ahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah ee SONSA Mudane Cismaan Muxyadiin Shaatax, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isla meel dhigeen dhowr qodob oo saldhiggoodu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta jawi nabdoon, iyadoo la ilaalinayo heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira