Warar 

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo shaaciyay habraacyada doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo foomamka musharraxiinta

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21, ayaa 26ka Diseembar, 2020 u kala diray dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan, dhammaan musharraxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday dowlad-gobolleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaan-galinta iyo qabashada araajida musharraxiinta Golaha Aqalka Sare.

“Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta dowlad-goboeedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada dowlad-gobolleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda” ayey sii raaciyeen. 

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira