Baarlamaanka 

Kutlada haweenka Baarlamaanka dowlad-gobaledka Koonfur Galbeed oo maanta doortay hoggaan cusub

Kutlada haweenka Baarlamaanka dowlad-gobaledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa doortay guddoon, xoghayaha iyo madaxa maaliyadda ee kutlada.

Guddoomiye waxaa loo doortay Xil. Aamina Isaaq Maxamed, Guddoomiye ku-xigeen waxaa loo doortay Xil. Aamina C/xafiid Ibraahim, xoghaye waxaa loo doortay Xil. Binti Ibraahim Cali halka madaxa maaliyadda loo doortay xildhibaan Bishaaro Cali Nuur.

Warar kale oo la xiriira