Warar 

Wafdi ay hoggaaminayaan Xasan Sheekh iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo u ambabaxay Garowe

Wafdi ay hoggaaminayaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, ayaa maanta kusii jeeda magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland oo ay uga qeyb galayaan Madasha Aragti Wadaaga ee HERITAGE INSTITUTE sanadka 2020.

Madasha Aragti Wadaaga Heritage Institute ayaa sannadkan kulmineysa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharixiinta, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, guddoonka labada aqal iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka.

Madasha waxaa diirada lagu saari doono arimaha doorashooyinka, xasilinta amniga ee dalka, federalismka, dhameystirka dastuurka iyo hiigsiga doorasho qof iyo cod ah sanadka 2025.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira