Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta 2-aad marsiiyay miisaaniyadda 2021

Guddomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka Golaha oo looga hadlayay miisaaniyadda sannadka 2021.

Ajendaha fadhiga ayaa ahaa akhrinta labaad ee miisaaniyadda 2021 iyo dhageysiga warbixinta Guddiga ee odorooska miisaaniyadda 2021.

Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) oo ka mid ah xubnaha Guddiga, ayaa ugu horreyn warbixin siiyay xildhibaannada Golaha, waxaana intaasi kaddib la guda galay dooday akhrinta labaad. 

Xildhibaan Cabdi Naasir, ayaa wasiirka maaliyada usoo jeediyay in mashaariicda si siman loogu qeybiyo dhammaan gobolada dalka, madaama miisaaniyadda doodeeda ay hadda ka socoto fadhiga Baarlamaanka.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in xildhibaannada ay ansixiyaan miisaaniyadda sannadka 2021.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira